KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Caasimadda ayaa noqotay meel saaxad ah, oo ka dhaca hardanka madaxda siyaasadda ku loolamaysa iyo qaraxyada Al-Shabaab.
MUQDISHO, Soomaaliya - Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa sheegay in aan banaanbax lagu qaban karin Caasimadda, waxaana uu u muuqdaa inuu difaacayo MD hore Farmaajo.
Hadalka Gud. Filish ayaa imaanaya xili uu ka socdo abaabulka banaanbax ballaaran oo la qorsheeyay inuu dhaco Khamiista, kaasoo lagu cambaareynayo isku-daygii afegmbi ee Dec 27.
Xubno katirsan Mucaaradka, sida Axmed Maclin Fiqi ayaa hormuud u ah abaabulka dibadbaxa looga soo horjeedo Farmaajo, waxaana la ogeyn in amarka Cumar Filish hirgeli doono.
Hadalka ka soo baxay duqa Muqdisho, ee ah in lagu duudsiyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta ee bannaanbaxyada nabadeed, waa isku day kale oo lagu doonayo in lagu majaxaabiyo sarreynta sharciga ee madaxweyne Farmaajo," ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali, la taliyihii hore ee Madaxweynaha.
Wasaaradda amniga ayaa joojisay isu soo bax lagu taageerayay Farmaajo todobaadkii hore, taasoo muujineysa in uu sii xoogeysanayo dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha oo isku khilaafsan talada dalka.
Marka laga reebo Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur oo ay isku dhaw yihiin Rooble, taliyeyaasha Hay’adaha Nabad Suggida, Booliska iyo Militariga, ayaa waxay daacad u yihiin Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaaday.
Tan iyo sannadkii hore, magaalada Muqdisho waxa ay noqotay goob dagaal siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda ugu sarreysa Soomaaliya oo kuwada nool xarunta madaxtooyada [Villa Somalia], halkaasoo Ciidamada iska soo horjeeda ay uga kala jiraan difaacyo.
Sida ay KEYDMEDIA, hore u baahisay, maamulka sare ee gobolka ayaa isku khilaafay, tallaabada laga qaadayo dibadbaxa, inta badan xubnaha sare ayaa isku raacay in mudaharaadka la fasaxo, amnigiisana la sugo, hayeeshee, shaqsiyaad uu ku jiro Cali Yare Cali, ayaa geed dheer iyo mid gaaban-ba u koray baajinta bannaan-baxa.
Kala aragti duwanaanta uu bannaan-buxu dhex dhigay maamulka gobolka, wuxuu sababay in xalay go’aan looga gaaro xaafiiska Farmaajo sida ay KON ka ogaatay xubin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, waxaana doodda ku adkaaday darafkii diiddanaa isku-soo-baxa oo garab ka helaya Farmaajo, halka dhinac kale lagu qasbay in ay amarka kooxda Villa Soomaaliya ka socota qaataan.
Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Hogaamiyayaasha dowladda waqtigeedu dhamaadey in ay iska ilaaliyaan adeegsiga hadalada xanafta leh ee keeni kara in dagaalo ay ka dhacaan Caasimada dalka oo hoye dhibane ugu ahayd qaraxyada Al-Shabaab.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.