Fiqi iyo Qoor-Qoor oo dagaal dheer kadib isla-fariistay

Fiqi ayaa xilka Wasiirka amniga Galmudug iska-casilay Oct 2021 kadib markii ay is-khilaafeen Madaxweyne Qoor-Qoor, oo Kursigiisa Xildhibaan-nimo inuu kusoo noqdo u diiday.

Warar Keydmedia Online
Fiqi iyo Qoor-Qoor oo dagaal dheer kadib isla-fariistay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Maclin Fiqi ayaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Labadooda waxay isku ahaayeen dab iyo baasiin, oo waxaa ka dhaxeeyay khilaaf xooggan oo socday tan iyo Oct 2021 markii Fiqi iska-casiley xilka Wasiirka Amniga maamulka Galmudug.

Hadda waxuu waqtiga isagu keenay labadooda munaasabad kale, oo ka duwan tii hore, iyadoo Fiqi yahay Wasiir heer Federaal ah, iyadoo uu helay wax ka wayn wixii kula dagaalay Qoor-Qoor.

Fiqi ayaa loo xil-saarey isaga iyo Wasiiro kale soo dhaweynta Qoor-Qoor iyo Madaxda Maamullada, ee ka qeybgalaya Shirka berri ka furmaya Villa Somalia, oo Xasan Sheekh gudoomin doono.

Siyaasadda saaxiib ama cadow joogto ah midna ma lahan, kuwa shalay cadow ahaa baa maanta saaxiib ka dhigtaa, iyadoo taasi tahay sunadda dowladnimada, oo horey looga gudbo wixii shalay dhacday, si aan Mustaqbalka looga mashquulin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.