Frmaajo iyo Fahad Yaasiin waa musiibo – Nabaddoon Xaad

Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan kooxda Farmaajo hoggaamiyo ee dalka musiibada ku ah.

Warar Keydmedia Online
Frmaajo iyo Fahad Yaasiin waa musiibo – Nabaddoon Xaad

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha dhaqanka beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Farmaajo iyo kooxdiisa ay yihiin caqabadda hadda ugu weyn ee hor taagan Dowladnimada Soomaaliya.

Nabaddood Xaad, wuxuu kooxdaan ku eedeeyay khaarijinta muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, kuwaas oo ay ugu danbeysay Ikraan Tahliil Faarax, oo 26-kii bishii hore ay afduubteen taliska NISA.

Wuxuu xusay in Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay yihiin musiibo dadka iyo dalka loo soo diray, isla-maakaana wuxuu tilmaamay in ay ka halis badan yihiin Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Wuxuu dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ku baraarugaan, kooxda Dowladnimo la dirirka ah ee Madaxtooyada ku jirta, isla-markaana loo kaco in la isa qabto, ka hor inta aysan dhamayn wax garadka bulshada.

Nabaddoon Xaad, wuxuu iclaamiyay bannaan-bax nabadeed oo lagu raaddinayo xuquuqqda Ikraan Tahliil, iyo dhallinyarada kale ee muddo raqdooda iyo ruuxooda la raadinayo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayuu ugu baaqay tallaabadii uu ka qaaday Cabdullahi Kullane, oo ka mid ah musiibooyinkii dalka ku habsaday afartii sano ee la soo dhaafay.

“Ra’iisul Wasaare, wali culeyskii waa halkiisii, taliyaha Nabad-sugidda ninka isku sheega waa musiibo, Farmaajo, dalka, doorashooyinka iyo dowladnimadaba wuxuu ku yahay musiibo labadaas inta ay meesha joogaan nabad iyo dowladnimo rajo lagama qabo”. Ayuu yiri Nabadduun Maxamed Xasan Xaad.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.