Fu’aad Shongole oo beeniyay in la dilay - “Waa noolahay”

Fu’aad Maxamed Khalaf oo loo yaqaan (Shongole), oo ka mid ah madaxda ugu sareysa Kooxda Al-Shabaab ayaa beeniyay in lagu dilay dagaalladii ka dhacay gobolka Bakool todobaadkii hore.

Warar Keydmedia Online
Fu’aad Shongole oo beeniyay in la dilay - “Waa noolahay”

MUQDISHO, Soomaaliya - Fu'aad Maxamed Khalaf oo loo yaqaan (Shongole), oo ka mid ah saraakiisha ugu sarreysa Al-Shabaab ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadal dhawaan ka soo baxay Dowladda Itoobiya kaasoo ahaa in Fu'aad iyo saraakiil kale lagu dilay dagaal ka dhacay degaanka Caato ee gobolka Bakool 29-kii July 2022.

Farriin maqal ah oo uu soo diray Shongole oo laga sii daayay warbaahinta ku hadasha afka Kooxda Al-Shabaab ayuu ku sheegay in uu nool yahay oo uu caafimaad qabo, isagoo xusay in sheegashada Itoobiya ee ku addan dilkiisa ay ku qarineysay jab uu sheegay in ay la kulmeen ciidanka Liyuu Boolis ee Dowlad degaanka Soomaalida.

Shongole waxa uu wacad ku maray in Al-Shabaab ay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah Itoobiya, xilli siyaabo kala duwan loo macneynayo waxa waqtigaan ku soo aaddiyay duullaanka Kooxdu ku qaadday gudaha Itoobiya, ma muranka biyaha NILE ayaa sabab u ah? Oo ma Masar ayaa gadaal ka riixeysa? mise Addis Ababa ayaa dano gaar ah wadata.

Itoobiya waxa ay todobaadkii hore sheegtay in ay dishay,  Fu’aad Maxamed Khaliif (Fu’aad Shangole) oo ah Madaxa abaabulka iyo tashkiilinta Al-Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab oo ah afhayeenkii howlgallada ee kooxdaas iyo Cubeyda Nuur Ciise oo ah madaxa Al-Shabaab u qaabilsan duullaanka kooxdu ku qaadday Itoobiya.

Yeelkeede, sheegashada Itoobiya ayaa u muuqata mid beenoowday, maadaama uu hore u soo hadlay,  afhayeenkii howlgallada Al-Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab, isla-markaana uu farriin soo diray Fu’aad Shongale. Dowladda Soomaaliya marnaba kama aysan hadlin warar la xariiray dilka saraakiisha Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bishii  June 7, 2012, madaxa Shongale dul saartay 5 milyan oo doollar oo la siinayo ciddii soo sheegta halka uu ku sugan yahay, iyadoo doorka uu ku leeyahay gudaha kooxda ku sheegatay, dhaqaale-ururinta iyo faafinta dayaacadda Al-Shabaab ku xero galiyaan dhallinyarada ay ku biireysa.

Shongole wuxuu ka soo jeedaa beesha Daarood, sannadkii 1992-kii ayuu magangelyo ka helay dalka Sweden, balse wuxuu dib ugu soo laabtay Soomaaliya sannadkii 2004-tii, isagoo ku biiray Midowga Maxaakiimta, wixii xilligaas ka danbeeyay wuxuu u taagnaa dhibaatenta dadka deggan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.