G/miyaha G/Galgaduud oo la hadlay Bulshada Reer Galgaduud

Muqdisho (KON) - Gudoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud Xuseen Wehliye (Cirfo) ayaa kulan ku aadan sida loo sugi karo ammaanka xarunta gobolkaasi ee Dhuusamareeb la qaatay dhalinyarada Gonolka.
Warar Keydmedia Online
G/miyaha G/Galgaduud oo la hadlay Bulshada Reer Galgaduud

Xuseen Cali Wehliye Cirfo gudoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay ururka horumarinta waxbarashada gobolka Galgaduud oo ay ku mideysanyihiin dhalinyaro u ololeysa horumarinta waxbarashada.

G/miyaha ayaa sheegay in uu tagay qeybo ka mid ah degmooyinka, wuxuuna xusay inuu la kulmay dhalinyarada degmooyinkaasi isagoo ku booriyay iney sii badiyaan dadaalkooda iyadoo maamulkuna uu ahmiyad gaar ah siinayo horumarinta iyo isku xirka dhalinyarada gobolka.

Gudoomiyaha ururka  horumarinta dhalinyarada gobolka Galgaduud Axmed Maxamed Maxamuud oo hadlay ayaa sheegay in ay maamulka kala shaqeyndoonaan horumarinta waxbarashada gobolka islamarkaana ay kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonaan guud ahaan horumarinta gobolka.

Keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.