KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Gaarigaan oo markii hore magaalada si xowli ah ku soo galay ayaa lagu soo waramayaa inuu gudaha magaalada ku jiiray qof rayid ah oo dhaawac culus uu soo gaaray, inkastoo markii dambe ay gaariga iyo raggii saarnaaba ay gacanta ku dhigeen Ciidamada dowladda.
Inkastoo ay warar kala duwan ka sooa baxayaan waxa ay raggaan yihiin ayaa haddana warar Keydmedia ay helayso waxaa ay sheegayaanin raggan la qabtay ay ka tirsanaayeen Maleeshiyaadkii kooxda Shabaab ee magaalada Balcad laga qabtay.
Sida Gudoomiyaha gobbolka Shabeellaha Dhexe ee dowladda KMG ah Eng. Cabdi Jiinow Calasow uu warbaahinta u sheegay gaariga la qabtay ayaa waxaa saarnaa 11-nin kuwaasoo ku hubeysnaa hubka noocyadiida kala duwan.
Eng. Cabdi Jiinow Calasow Gudoomiyaha gobbolka Shabeellaha Dhexe ayaa sido kale xusay in ragaan ay ahaayeen ragg dano gaar ah watay,isagoona xusay inay hadda baaritaano ku hayaan, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay hadii ay kooxda Shabaab ka tirsanyihiin iyo hadii kale ay hadda baaritaano ku hayaan.
Keydmedia.net -Xafiiska Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.