KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Is raacsanaantaas Soomaalida waxay muujiyeen markii Sh.shariif Madaxwayne Loo doortay ,Adduunkana meel kasta la taageeray,,ilama aha inuu Sh. Shariif lacag siiyay Soomaalidii taageerada u muujisay markii la doortay.
Kacdoonka shacabka ma aheyn kaliya in Xukuumadda Farmaajo howl wanaagsan Ay qabatay ee wuxuu ahaa mid looga soo horjeedo heshiiskii Kampala oo loogu Tala galay in lagu minja xaabiyo rajadii iyo iftiinkii u soo muuqday bulshadii bahdilnayd 20 kii sano ee la soo dhaafay,suura galna ma aha nacayb Farmaajo loo Qabo darteed in heshiiskii Kampala loo taageero, Qodobada heshiiska Kampala waxaa ka mid ah …. In aan Baarlamaanku la xisaabtami Karin Sh.Shariif iyo Shariif Sakiin. Iyo go´aanka kama dambaysta ah Loo celiyo Mahiga iyo Melesse.
Waxaa muuqata Sh.Shariif in uu ku kacay is miidaamin siyaasadeed,ka dib markuu Oggolaaday in isaga hal sano loogu daro,asagoon eegin wax qabadkii Dowladda Isagoon eegin baahida shacabka ,isagoon mustaqbalkiisa siyaasadeed ee dalka, Isagoo ku tilmaamay Soomaalidii shalay Taageerada u muujisay inay yihiin Caada –qaatayaal, isagoo aan ogayn waxa uu yeeli doono sannadka kolka uu ka dhamaado.
Cabdiwaaxid Saalax - Frankfurt Germany
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.