Gadoodka Beesha Sabbuux: Jidadka oo jaran maalintii 2-aad

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beesha oo qadka taleefanka kula hadlay Keydmedia Online, waxa ay sheegeen in Qoorqoor tan iyo markii uu yimid uu beegsi gaar ah ku hayay beesha, isla-markaana uu ka xayuubiyay dhammaan xilalkii ay hayeen.

Warar Keydmedia Online
Gadoodka Beesha Sabbuux: Jidadka oo jaran maalintii 2-aad

GURICEEL, Soomaaliya – Waxaa maalintii labaad degaanka Shalaqbeen oo 18 km qorrax-dhac ka xiga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku sugan ciidan gadoosan oo ka soo jeeda beesha Sabbuux oo ka mid ah beelaha Cayr ee Habargidir.

Kadib markii ay si guud beeshu ugu dhawaaqday in ay joojisay wadad shaqayntii ay la lahayd maamulka uu Qooqoor hoggaamiyo ee Galmudug ayay Ciidamada gadoodsan hakad galiyeen isku socdka gaadiidka mara degaanka Shalaqbeen.

Beesha ayaa Qoorqoor ku eedeysay inuu si ula kac ah ugu tuntay xuquuqaadkii ay beeshu ku lahayd Galmudug isla-markaana uu diiday inuu dhagaysto tabashada beesha oo bilihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan oo silmi ah u muujisay cabashadeeda.

Beeshaan waxa ay xustay in si xishood la’aan ah Qoorqoor u qorsheeyay in beeshu aysan wax kursi ah ka helin kuraasta Golaha Degaanka ee xarunta maamul gobolleedka Galmudug ee Dhuusamareeb kuwaas oo dhismahoodu socdo.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beesha oo qadka taleefanka kula hadlay Keydmedia Online, waxa ay sheegeen in Qoorqoor tan iyo markii uu yimid uu beegsi gaar ah ku hayay beesha, isla-markaana uu ka xayuubiyay dhammaan xilalkii ay hayeen.

“Markii Qoorqoor imaanayay beeshu waxa ay 10 sano ku fadhisay kursi baarlamaan, kursiga Cayr ku leeyahay Aqalka sare ayaan mataleynnay, isaga ayaa kursigaas u xooggay walaal kale oo diiday in loo tartamo”, ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha beesha.

Wuxuu intaas ku daray, in Qoorqoor uu beesha Sabbuux ka qaaday Taliyaha ilaalada Canshuuraha Galmudug iyo Taliyaha Taraafikada Galmudug, isla-markaana uu ka ilaaliyay in ay ugu yaraan hal agaasime ka helaan maamulka uu hoggaamiyo.

Hayeeshee, sida ay sheegayaan wararka qaar wadahadallo ay gar-wadeyn ka ahaayeen, ganacsato, odayaal dhaqan, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin oo saacado badan qaatay ayaa xalay xilli danbe is af-garad hordhac ah laga gaaray qayb ka mid ah tabshada.

Xogaha ayaa tilmaamaya in Qoorqoor qadka taleefanka kula hadlay guddiga beesha u qaabilsan wada-hadallada, isagoo ka codsaday in la furo waddada, isla-markaana uu diyaar yahay korsiga golaha degaanka Dhuusamareeb iyo xilalka kale ee ka maqan.

Dhawaan ayay ahayd markii beesha Reer Nimcaale oo ka tirsan Sacad – Habargidir ay xirteen koontaroollada Magaalada Gaalkacyo, iyagoo Qoorqoor ku eedeeyay in uu duudsiyay xuquuqaadkii ay ku lahaayeen gobolka Mudug iyo guud ahaa Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.