Galguduud iyo Cudur aan la aqoon

Wararka aynu ka heleyno Gobalka Galguduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa Sheegaya in halkaasi lagu arkay cudur aan la aqoon oo waxyeelo gaarsiinaya Caruurta.
Warar Keydmedia Online

Dr Cismaaciil Soomane oo ka mid ah Dhaqaatiirta ka howl gasha Gobalkaasi ayaa sheegay in cudurkaasi uu dilay ilaa 6 Caruur ah Maalmihii ugu danbeeyay isagoona sheegay inuu u egyahay gawracatada laakiin baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen inuu farqi u dhaqeeyo.

"Caruurta waxaa lagu arkaa qanjir barar iyo dhaga dilaac, kadibna xaaladooda waa ay sii darsataa misna way geeriyoodaan" sidaa waxaa yir Dr Soomane oo isaga oo ku sugan Galguduud Warbaahinta Muqdisho la hadlayay.

Deegaanada Balanbale, Xeraale iyo Galweyn ayaa laga kala keenaa Caruurta uu cudurkani asiibay, waxaana hada kani uu yahay mid aan si weyn uga walaacsanahay, marka laga soo tago caruurta dhimatay waxaa jira kuwa hada la il daran.

Dad badan ayaa rumeysan in cudurada aan hore loo aqoon ee Dadka Soomaaliyeed lagu arkayo ay yihiin Dhaxalka Sunta lagu daadiyo Xeebaha Dalka iyo waliba Sunta Hubka dagaalka leysugu adeegsado.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.