Galmudug oo wali ciidamo ku sii daad-gureyneysa Dhuusamareeb

Ciidamo xooggan oo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya, ayaa maalintii shanaad ka degaya Dhuusamareeb, si ay garab u siiyaan kuwa Galmudug oo doonaya in ay dib ula wareegaan Gueiceel.

Warar Keydmedia Online
Galmudug oo wali ciidamo ku sii daad-gureyneysa Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya magalaada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, ayaa sheegaya in ay maanta ka degeen Ciidamo xooggan oo ka tirsan Gorgor, kuwaas  oo la filayo in ay qeyb ka noqdaan ciidamada maamulka Qoorqoor, u diyaarinayo, in ay dib u so celinta Guriceel.

Ciidamada maanta la geeyay GM, ayaa ka tirsan Ururka 5-aad ee Gorgor, kuwaas oo hore u joogi jiray Magaalada Dhuusamareeb, ka hor inta aan dhawaan dib loogu soo celin Muqdisho, waxa ay ku biirayaan Ururka 13-aad, Guutada 17-aad ee kumaandooska oo hore Dhuusamareeb u joogay.

Ciidanka maanta la geeyay Dhuusamareeb, waxaa hoggaaminaya, Gaashaanle Maxamed Dhagawayne, oo ka mid ah saraakiisha ciidanka ee caanka ka ah Galgaduud.

Shantii maalin ee la soo dhaafay waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhusamareb ka dagayey Ciidamo kala duwan oo ka imaanaya caasimadda Somaaliya xili Ahlusunna wali ay gcanta ku hayso Guriceel.

Galmudug ayaa ku jirta gurufkii ugu danbeeyay oo ay isku diyaarineyso in ay dib gacanta maamulka ugu soo celiso degaanno uu ay ka mid tahay magaalada Guriceel, waxaana maanta dhaq-dhaqaayo ciidan laga soo sheegay waqooyiga magaaladaas.

Wax-garadka iyo siyaasiyiinta, ayaa ku baaqaya in xasaradaha soo cusboonaaday lagu dhameeyo lagu dhameeyo wada-hadal, hayeeshee, labada dhinac ayaa u muuqda kuwo aan wada-xoojood diyaar u ahayn.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.