GALMUDUG: Sidee loo fashiliyay weerarka Al-Shabaab ee Qaayib?

Tuuladda Qaayib waxay 90KM dhanka bari uga beegan tahay magaaladda Dhuusamareeb, ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Warar Keydmedia Online
GALMUDUG: Sidee loo fashiliyay weerarka Al-Shabaab ee Qaayib?

QAAYIB, Soomaaliya - Shalay degaanka Qaayib waxaa soo weeraray xoogaga Al-Shabaab, markii 2aad mudo 17 maalin gudahooda, waxaana ka dhacay halkaas dagaal qaraar oo saacado qaatay.

Sarkaal katirsan Ciidanka dowladda, oo ka hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay inay kahor tageen weerarka kadob markii ay xogtiisa heleen, waxaana khasaaro lagu gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Tuuladda Qaayib waxay 90KM dhanka bari uga beegan tahay magaaladda Dhuusamareeb, ee Caasimadda Maamulka Galmudug. Dadka degaanka ayaa ka qeyb qaateen dagaalka Al-Shabaab.

Waxay Al-Shabaab ka carareen goobta kadib markii inta badan dagaalyahanada la dilay, oo qaarna nolosha lagu qabtay, waxaana tani ay ahayd cashar kale oo loo dhigay Kooxda," ayuu yiri Sarkaalka.

Dagaalka ayaa ahaa mid culus, oo mudo qaatay, iyadoo dadka degaanka ay qaarkood magaaladda ka baxeen, iyagoo ka baqay in hadii Al-Shabaab la wareegto lagu sameeyo dilal aargoosi ah.

Waxaan haynay xog ku saabsan in dagaalyahanada Al-Shabaab ay na soo weerarayaan degaanka, marka dhammaanteen waan sugeynay, waana fashilinnay ka hor inta aysan soo gelin,” Ismaaciil Cabdulle, oo ka mid ah dagaalyahannada degaanka ee “Macawisley," ayaa sidaas yiri.

Qaayib waxay kamid tahay meelihii dhawaan laga saarey Al-Shabaab, waxaana difaacanaya dadkeeda degaanka, oo kaashanaya Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa ku furay dagaal dhowr jiho ah, iyadoo laga qabsaday inta badan Tuulooyinkii ay gacanta ku haysay kahor doorashadii Xasan Sheekh bishii May 2022.

Warbixin uu soo saarey xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay dhawaan in 600 oo xubnood Al-Shabaab looga dilay dagaalka saddexda bilood socdda, islamarkaana laga saarey 68 degaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.