KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ilaa hadda Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya iska horimaadka iyadoo uu jiro khasaare aan tiradiisa dhabta ah la hayn ee ka dhashay iska hor imaadka Maanta ka dhacay degmada Hobyo.
Afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafey ayaa u sheegay warbaahinta in Ciidamo uu wato Cabdi Qaybdiid ay soo galeen degmada isla markaana u soo gudbeen dhanka ay maamusho Ximin iyo Xeeb kadibna uu bilowday iska hor imaadka, sida uu hadalka u yiri.
Dhanka kale Axmed Baasto oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa warbahinta u sheegay in maanta ay Ciidamadooda ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayueen kooxo burcad badeed, isagoo beeniyay hadalka ka soo yeeray Ximin iyo Xeeb.
Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.