Galmudug oo Ciidamo tababar uga furtay Degmada Gawaan

Gaalkacyo (KON) - Waxaa Degmada Gawaan ee Gobolka Hobyo looga furay Ciidama Amaanka Dowlad Gobaaledka Somaliyeed ee Galmudug Tababar Kor loogu Qaadayo Aqoonta Ciidamada Amaanka Galmdug.
Warar Keydmedia Online

Gudoomiyaha Gobalka Hobyo ee Dowlad Gobaledka Galmudug Cali Ducaale Kaahiye oo Waraysi Siiyay Idaacada Codkamudug ee Magalada Galkacyo ayaa waxa uu Tilmaamay in Tilaabadaan ay tahay mid Taariikhi ah isla Markaana loogu tala galay Tababarkan in ay ka Qayb Qaatan Cutubyada Amaanka ciidamada Galmudug.

Ciidamadan Tababarka uga furmay Degamada Gawaan ayaa waxaa ay ka Qayb Qaadan Doonaan Hawulaha kala duwan iyadoona marka ay Tababarka ay soo Dhamaystaan la filayo in ay ka Howlgalaan Degmooyinka kala Duwan ee Galmudug.

Cali Ducaale Kaahiye Gudoomiya Gobalka Hobyo ayaa Dhiiro Galin u jeediyay Ciidamada Tababarka loo Furay isagoona Kula dar Daarmay in ay ka Qayb Qaadaan Hawulaha la Xariira Amaanka si Degmooyinka Galmudug Ay u Noqdaan Kuwa Nabdoon.

Saraakiisha iyagu fulinaya Tababarkan Ayaa Tilmamaya in Qorshaha Tababarkan uu Yahay si Wayn loo Soo Qorsheeyay lana Doonayo in lagu Baro Ciidamada Amanka galmdug ee Tababarkan Qaadanaya Shaqooyinka la Xirira Amni Sugida iyo Sidii Ay uga Hortagi lahayeen Cid Kasya oo Doonaya in ay Maja Xaabiyan Amaanka Degmooyinka Hoostaga Gobalka Hobyo.

Waxaa Warbixintaan soo diyaariyay Wariye: Samiir Xasan Adan

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.