KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Kulankan oo ahaa mid si heer sara ah loo soo agaasimay ayaa waxaa uu isugu jiray taageerro iyo sharaxaad ay wefdiga ka socda maamulka Galmudug uu taageerayaashooda ay ka siinayeen qorshayaasha ay ka faa’iideysanayaan nidaamka Hiigsiga cusub ee soomaaliya ee New Deall ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug C/samad Nuur Guuled, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Macdanta galmudug iyo Xubno kale oo ka socday qeybaha Bulshada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Axmed Maxamud Xasan “Axmad Baasto” ayaa uugu horeyn ka hadlay horumarka uu maamulkaasi ka sameeyay arrimaha amniga iyo qorshayashii ka dambeyay dhismaha Maamulkaasi, isagoo ka codsaday in qaybaha kala duwan ee bulshada ay u istaagaan taageerada ay u hayaan maamulka Galmudug.
Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug C/samad Nuur Guuleed ayaa ka qeyb galayaasha kulankaasi sharaxaad ka siiyay Qorshayaasha ay uga talagaleen in ay la tagaan shirka looga hadlayo qorshaha Hiigsiga cusub ee Soomaaliya.
“Waxaan halkaan u nimid shaqo naga dhexeysa dowladda dhexe ee Soomaaliya, teeda kale dowladda waxa ay naga dalbatay in aan la nimaadno qorshaha aan la tageyno hiigsiga cusub oo aan filayno in wafdiga dowladda ka socda ee shirkaasi ka qayb galaya ay xubno inoo raacaan, taasi oo anagu farxad noo ah” ayuu hadalkiisa ku soo koobay M/weyne ku xigeenka Galmudug.
Gabagabadii ka qeybgalayaasha kulanka ayaa isku raacay in ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagidda ay diyaarka ula yihiin Maamul gobaleedka Galmudug.
Keymedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.