Ganacsade Bangi furtay oo Xabsi iyo Ganaax lagu xukumay

Maxkamadda ayaa sheegtay in ninka la xukumay, oo 46 jir ah uu haysto mudo bil ah inuu racfaan ka qaadan karo go'aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir, sida uu ku dhawaaqay Garsooraha Kiiskiisa xukmiyay.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta xukun xabsi saddex sano ah iyo ganaax dhan $920,000 ku riday ganacsade lagu helay in uu sameystay shirkad u shaqeyneysay sida Bangiga oo kale, iyadoo aanay shati ka heysan Bankiga Dhaxe.

Garsoore C/raxmaan Saciid ayaa ku dhawaaqay xukunka ka dhanka ah C/llaahi Axmed Maxamed Xaaji Gaabow, oo ku leh Gaabow General Trading Company, taasoo si aan sharci ahayn uga howlgalaysay magaaladda Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.