Ganacsade lagu Dilay Kismaayo

Kismaayo (KON) - Koox Hubeeysan ayaa Saaka Magaalada Kismaayo ku dilay Ganacsade ka mid ahaa Dadka Magaalada Kismaayo, gaar ahaan Xaafada Calanleey ee Magaalada.
Warar Keydmedia Online
Ganacsade lagu Dilay Kismaayo

Wararka ayaa sheegaya in Rag ku labisan Dharka Maleeshiyada Kooxda Raas kambooni ay Dileen Nin Ganacsade ahaa oo lagu Magacaabi jiray Saciid Yuusuf, kaas oo Xaafada Calanleey ku lahaa Dukaan Bagaashka lagu iibiyo.

Dilka ayaa waxaa fuliyey Dableey ka kooban Shan Ruux oo la sheegay in ay yihiin Maleeshiyada Axmed Madoobe, kuwaas oo aan la ogeen u jeedka ay u dileen.

Sidoo kale Xaafada Farjano ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu Dhaawacay Ruux Rayid ah oo ka mid ahaa Dadka Xaafada Farjano, kaas oo Dabley hubeysan ay Rasaas ku fureen Gaari uu watay, kadibna uu Dhaawac soo gaaray.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku soo batay Dilalka Qorsheysan iyo Qaraxyo ka dhacaya Magaalada, ayadoona Shalay Magaalada uu ka dhacay Qarax loo dhigay Horjooge ka tirsan Kooxda Axmed Madoobe.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.