KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Axmed Cumar oo ka mid ah Ganacsatada Koonfurta Dalka Sudan ayaa wuxuu sheegay in Kooxo hubeysan ay weerareen Guri ay degganyihiin Dhallinyaro Soomaali Ganacsato ah halkaas oo ay ku dileen Axmed Maxamed Shiiqaalow oo ka mid ahaa Dhallinyarada Ganacsatada Soomaalida ee ugu caansan Koonfurta Dalkaasi kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Kooxaha weerarka geystay ayaa Axmed Cumar waxa uu sheegay inay ahaayeen Kooxo Burcad ah oo u dhashay Dalkaasi, iyagoo Weerarkuna uu ka dhacay Xaafadda Farjaan ee Koonfurta Dalka Sudan.
Axmed Cumar Wuxuu sheegay inay badan yihiin Dhibaatooyinka Dalkaasi loogu geysto Ganacsata Soomaalida isoo xusay in sidan oo kale Labo Habeen ka hor la weeraray Guri kale oo ay ku sugnaayeen Ganacsato Soomaali ah inkastoo uu sheegay in aysan Khasaaro geysan oo la iska caabiyey.
Wuxuu hadalkiisa intaa raaciyey in weeraradan aysan gaar ah u ahayn Soomaalida ku dhaqan Dalkaasi kaliya, balse sidoo kale la weeraro lana dhibaateeyo dadka Ajnabiga ah ee ku nool Dalkaasi isagoo xusay in dhowr Habeen ka hor ruux oo Ganacsade Ajnabi ah lagu dilay Koonfurta Sudan markii ay weerareen Kooxo hubaysan.
Keydmedia.net - Xafiiska, Nairobi
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.