Ganacsatada Marko oo Loo Hanjabay

Maraka (KON)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobbolka Shabeellaha Hoose ayaa soo sheegaya in xalay halkaasi lagu daadiyay warqado loogu digaayo qeybahaha kala duwan ee ganacsatada ku nool halkaasi inaysan waxbo ka iibinin Ciidamada Dowladda ee ka arrimiya magaalad Kismaayo.
Warar Keydmedia Online
Ganacsatada Marko oo Loo Hanjabay

Goobjoogayaal ku suggan magaalada Marka ayaa Keydmedia Online u sheegay in warqadaha la daadiyay ay Cinwaan loogu dhigay Bambo iyo Bastoolad, taasoo loola jeedo in cidii wax ka iibisa Ciidamada la dili doono ama la qarxin dono.

Arrintaan ayaa waxaa ay wal wal iyo walaac xooggan ay ku abuurtay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Marka, waxaana arrintaasi ay horseedi karta inuu ganacsiga magaalada hakad galo.

Maamulka Dowladda ee gobbolka Shabeellaha Hoose iyo kan degmada Marka wali wax war ah kama aysan soo saarin warqadahaan xalay lagu daadiyay magaalada Marka.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.