KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Saciid Nuur Maxamuud oo ka mid ah Ganacsatada Gobolka Shabellaha Hoose Geela ka soo iibiya, Muqdishana u iibkeena oo la hadlay Keydmedia online ayaa sheegay in Ciidamada Milatariga ay ka qaadaan Lacago xad dhaaf ah oo aysan awoodin.
Waxaa uu sheegay in ilaa Afgooye iyo Siinka Dheer Ciidamada Milatariga ee ku sugan ay Lacaga Baad ah ay ka qaadaan,asagoona Xusay in Halkii Neef oo Geel ah laga qaado Lacag u dhaxeysa Sodon Kun ilaa Konton Kun,oo Sh Soomaaligaa.
“Lacagtaas ma awoodno,waayo Siilad Siinka dheer ayaa Lacag Canshiir ah ayey Dowladda Federaalka naga qaadaan,waxaan codsaneynaan in nagala qabto Ciidamadaasi’ayuu yiri Nuur.
Magaalada Muqdisho ayaa Geela lagu qalo waxaa laga Keenaa Gobolada Dalka Qaar kood,ayadoona inta badan Geelaasi laga soo iibiyo Xoolo dhaqatada ku nool Gobolada Koofureed ee dalka.
Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.