Ganacsigii oo xirmay: MW Xasan maka war qabaa?

Keydmedia Online ayaa hore u tabisay in ganacsatada aaggaas xarumaha ku leh uu saameyn xooggan ku yeeshay Checkpoint-ga la dul-dhigay, halka ay sidoo kale jiraan goobo kale oo kuwaan la ceyn ah oo koontaroollada la soo kordhiyay ay saameyn taban ku yeesheen.

Warar Keydmedia Online
Ganacsigii oo xirmay: MW Xasan maka war qabaa?

MUQDISHO, Soomaaliya - Xurumuha ganacsi ee ku yaalla waddda u dhaxeysa is-goysyada Sayidka iyo Dabka ee magaalada Muqdsho ayaa maanta xiran, ganacsatada ayaa ka cabanaysa inay waayeen cid wax ka iibsata, kadib markii Checkpoint-gii yaallay Sayidka loo soo raray Dabka, taasoo keentay in isku socodkii aaggaas meesha ka baxo.

Ma jirin wax dhaqdhaqaaq shacab ah oo jidkaan ka jiray muddo bil ah dhaw, ciidamada dawladdu ayaa celinayay gaadiidka dadweynaha mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha amniga kuna aaddan sababta loo soo raray koontaroolkii yaallay Siyidka. Ganacsatada ayaa sheegay in xarumaha ganacsi ay qarka u saaran yihiin inay xirmaan.

Keydmedia Online ayaa hore u tabisay in ganacsatada aaggaas xarumaha ku leh uu saameyn xooggan ku yeeshay Checkpoint-ga la dul-dhigay, halka ay sidoo kale jiraan goobo kale oo kuwaan la ceyn ah oo koontaroollada la soo kordhiyay ay saameyn taban ku yeesheen, goobahaas waxaa ka mid ah kuwa ka soo hor jeeda isbitaal Digfeer.

Sidoo kale, maanta Ciidamada Dowladda ayaa Checkpoint hor leh soo digay waddada buundooyinka ee Xamarweyne tagta, taas oo abuurtay cariiri xooggan, waxaana la arkayaa dadka oo lugta maalaya xilli ay aad u kulushahay qoraxda. Koontaroollada la soo kordhiyay ayaa lagu sheegay in lagu sugayo amniga xeydaabka ay degen yihiin Madaxda.

Bulshada ku dhaqan Caasimadda Muqdisho waxa ay shantii sano ee Farmaajo xilka hayay la dhibaatoonayeen jid gooyooyin aan xad lahayn, waxaa la filayay in is baddelkii ku dhacay hoggaanka dalka ay caqabaddaas wax ka baddeli doonto, hayeeshee, sida muuqata taliska cusub ayaa go’aansaday inuu sii kordhiyo Checkpoint-yada magaalada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.