KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waxaa dagaalka uu ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo iyo Xaafada Fii-afmadoow ee Magaalada Kismaayo.
Goobjoogeyaal ayaa Keydmedia Online u sheegay in Dagaalka ay soo qaadeen Al-shabaab islamarkaana ay Weerara Madaafiic ah ku qaadeen Garoonka Kismaayo.
Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac ee Dagalka Xalay ayaan la sheegin, waloow ay jiraan Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Labada dhinac ee Dagaalamay.
Kenya iyo Raas kambooni midna kama hadlin Dagaalka Al-shabaab ay Xalay ku soo qaadeen Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Al-shabaab ayaa tiro dhowr jeer ah Weeraro nuucaan oo kale ah ku qaaday Magaalada Kismaayo oo ay Maamulaan Ciidamada Kenya iyo Jamhada Raas kambooni.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.