Garyaqaanka Guud oo ka jawaab celiyay dacwada Fahad Yaasiin

Garyagaanka Guud, wuxuu sheegay in aysan suurto gal ahayn in labo maalmood gudahood uu Xafiikani ku soo gudbiyo Jawaab-celinta Dacwada Fahad Yaasiin u gudbiyay Maxakamadda.

Warar Keydmedia Online
Garyaqaanka Guud oo ka jawaab celiyay dacwada Fahad Yaasiin

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed, oo ka jawaabayay Warqadda summaddeedu tahay MSIXKS/044/2022 ee shalay oo ku beegneyd 10/04/2022, ka soo baxday Kaaliyaha Maxkamadda Sare, ayaa soo jeedayay in la hakiyo dacwada Fahad Yaasiin u gudbiyay Maxakamadda.

Xafiska Garyagaanka Guud ee Dowladdu, wuxuu Maxamadda sare ku wargaliyay in ay dhowrto habraacyada Xafiisku u maro Difaaca Dacwadaha ay Hay'adaha Dowladdu dhinaca ka yihiin, maadaama uu jiro qodob ku jira Sharciga lambar 18 ee soo baxay 29 Jaannaayo 1976, kaasoo xaafiiska faraya inuu maro saddex qodob oo kala ah.

1- In Xafiiska Garyaqaanku ku wargaliyo Hay'adda la dacwaynayo inay Maxkamadda hortaal Dacwad lid ku ah, si Xafiisku u difaacane loo baahanyahay inay si dhow ugala shaqeeyso Xafiiskan.

2- In Xafiisku ka codsado Hay'adda in ay u soo gudbiso wixii macluumaad ah ama Caddaymo ee la xiriiro Dacwaddaas, isla markaasna ay Xafiiska Garyagaanka Guud ka soo siiyaan Warbixin dhammaystiran si loo ilaaliyo ama loo dhoowro Danta Guud, tan Caddaalladda iyo xuquuqda muwaadinka.

3- In Xafiiska Garyaqaanka uud ay saldhig u tahay difaaciisa in uu ka helo ama ay Hay'addu u soo gudbiso xaaladda dhabta ah ee Dacwada Maxkamadda ka furan, si ay Maxkamaddu uga gaarto go'aan Caddaalad ah oo Sharciga waafaqsan.

Garyagaanka Guud, wuxuu sheegay in aysan suurto gal ahayn in labo maalmood gudahood uu Xafiikani ku soo gudbiyo Jawaab-celinta Dacwada Fahad Yaasiin u gudbiyay Maxakamadda.

Maxakamadda ayuu ugu baaqay in ay ka war sugto, Xafiiska Garyaqaanka inta uu ka soo dhammaystirayo xogaha iyo caddaymaha looga baahanyahay jawaab-celin Dacwaddan oo ku xiran hay'adda la soo Dacweeyay.

Dhawaan Guddiga FEIT, ayaa sheegay in sababta HOP086 loo hakiyay ay tahay, in Guddigu hore u  soo saaray go'aan ku soo baxay warqada sumadeedu tahay FEIT/2017/2022, kaas oo lagu hakinayo qabashada doorashada kursiga, kadib markii ay cabasho soo gudbiyen oday dhaqameedyada jufada kursiga iska leh iyo mid ka mid ah musharrixiinta.

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer Federal, waxaa uu go'aamiyey in dib loogu noqdo doorashada kursigaan, si loo saxo habraacii qaldamay, iyadoo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016-kii ayuu Guddigu ballan qaaday inuu dib ka soo sheegi doonaa qabashada doorashada kuraasigaan iyo Saddex kale, goorta iyo goobta lagu qaban doono.

Dadka Soomaaliyeed ayay layaab ku noqotay in ninkii shanti sano ee la soo dhaafay galay danbiyadii ugu badnaa, waraaqaha sharciguna u ahaayeen istaraashooyin lagu tirtirto, uu maanta sheego inuu sharciga xaq ka maqan ku raadsanayo, waana tallaabo muujineysa in ay meesha ka baxday awooddii uu sheeganayay in ka badan 60-kii bilood.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.