KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Cabdalla Cabdalla, wuxuu bishii Sep, 2018, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, u gudbiyay dacwo ka dhan ah Fahad, eeddeeduna ahayd inuu la shaqeeyo Kooxda Al-Shabaab, dacwaddaas waxaa qabtay Xafiiska Xeer Ilaalinta 2-dii September 2018.
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan ayaa xeerka uu soo saaray ku saleeyey sharciga dhismaha Hay’adda NISA ee Lr. 14, soona baxay sanadkii 1970-kii, kadib codsi uu gudbiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla oo ka dalbaday in Madaxweynuhu dib ugu soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan, si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.
“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.” Ayaa lagu yiri xeer Madaxweyne oo dhaqan galay caawa Ogoosto 30, 2022.
Cabdalla ayaa ka mid ah saraakiil ciidan oo aad uga soo hor jeeday nidaamkii Farmaajo iyo Fahad hoggaaminayeen, wuxuuna 2018 Fahad ku eedeeyay inuu xiriir la lahaa Al-Shabaab, isagoo Xeerilaalinta Qaranka u gudbiyay dacwo arrinkaas la xariirta inkastoo aan dacwada la qaadin maadaama uu garsoorku xilligaas gacanta Fahad ku jiray.
Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla oo si weyn ugu dhuunduleela dhaq-dhaqaaqyada hoggaanka Ha’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa ahaa shaqsigii ugu horreeyay bannaanka keena in Kooxdii Fahad Yaasiin hoggaanka u ahaa af-duubeen Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax oo maqane ah tan iyo 26-ka bishii June 2021.
Cabdalla Cabdalla, waxaa xilka Agaasime ku xigeynka ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka ka raacdeeyay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ka dib markii muran xooggan dhex maray Cabdalla iyo Fahad Yaasiin, kaasoo sababay in xilli habeen ah loo dhaco guriga sarkaalkaan iyo xafiiskii uu ku shaqeynayay.
Sidaan oo kale, dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed (Joon) dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed, kaasoo qudhiisa darajooyinkii uu ka rifay Farmaajo sanadkii hore.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.