Gen Cabdalla oo dib u helaya darajadiisii ciidan

Gen Cabdalla Cabdalla oo ka mid ah dadka sida dhow ula socday dhaqdhaqaaqa taliskii Fahad Yaasiin ayaa dib u heli doona dajadiisa ciidan iyo xuqaaqaadkiisa, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaga Gudaha Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Gen Cabdalla oo dib u helaya darajadiisii ciidan

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo dhawaan la wareegay xilka Wasaaraddaas ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh dib ugu soo celiyay darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed (Joon).

Fiqi oo hore u soo noqday Agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka,  ayaa sheegay in sida Saadaq Joon oo kale, dib loo soo celin doono darajooyinkii iyo xuquuqaadkii uu ciidanka ku lahaa General Cabdalla Cabdalla oo September 2018 uu Farmaajo ka xayuubiyay darajadiisii, kadib markii ay isku dhaceen General Cabdalla iyo Fahad Yaasiin.

General Cabdalla ayaa ka mid ah saraakiil ciidan oo aad uga soo hor jeeday nidaamkii Farmaajo iyo Fahad hoggaaminayeen, wuxuu Fahad Yaasiin ku eedeeyay inuu xiriir la lahaa Al-Shabaab, isagoo xeerilaalinta qaranka u gudbiyay dacwo arrinkaas la xariirta inkastoo aan dacwadaas la qaadin maadaama uu garsoorku xilligaas gacanta ugu jiray Madaxtooyada Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed M. Fiqi, wuxuu shaaca ka qaaday in ay wadaan qorsheyaal lagu burburinayo Maxkamadaha Al-Shabaab ee ku yaala magaalada Muqdisho iyo gobollada dariska la ah sida; midda ku taala degaanka Basra oo ku dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasoo ay garsoor u raadsadaan dad badan.

Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in muddo labo sano gudahood ah lagu burburiyo Maxkamadaha Kooxda Al-Shabaab ku leedahay Shabeelaha hoose, si meesha looga soo saaro dadka u xukun tagaya ee caasimadda ku dhaqan, wuxuuna hoosta ka xaqriiqay muhiimadda ay leedahay in dadku ay dhanka dowladda ka helaan garsooor caddaalad ah.

Dhowr jeer tan iyo sanadkii 2017, maamullada Soomaaliya oo ay ku jirto Dowladda dhexe ayaa soo saarayay amar adag oo ku aaddan dadka u safra degaannada ay ka taliyaan Al-Shabaab iyaga oo raadsanaya garsoor, hayeeshee ma jiraan talaabo wali laga qaaday dadka u xukun doonta waxa Al-Shabaab ugu yeeraan “Maxkamadaha Shareecada ee guurguura”.

Lama oga in Dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ay ku guuleysan doonto burburinta Maxkamadaha Al-Shabaab ee muuqda iyo kuwa qarsoon, sidoo kalena ay albaabada isugu dhufato dhaqaalaha kooxda sida canshuuraha laga qaado ganacsatada Muqdisho, xilli ay xusid mudan tahay in Madaxweynuhu dhawaan ballan qaaday howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.