Gen. Shariif Sheekhunaa oo ka hadlay Sharaftii Ciidanka Booliska

Muqdisho (KON) Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad tababar loogu soo xiray ciidamo ka tirsan dowlada ayaan sheegay in loo baahanyahay in ciidamada booliska Soomaaliyeed ay soo celiyaan kalsoonidii shacabka uu ku qabay.
Warar Keydmedia Online

 

Shariif Sheekhunaa Maya ayaa sheegay in loo baahanyahay ciidamada Booliska in ay si wanaagsan ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed, taasina ay keeni karto in ay soo noqoto sharaftii ciidanka.

Taliyaha ciidamada booliska ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin cadaalad in loogu adeego, maadaama ay qabaan dhibaatooyin badan.

Shariif Sheekhunaa ayaa wuxuu si gaar ah ugu baaqay ciidamada ka shaqeeya danbi baarista in ay si cadaalad ah shacabka ugu sinaadaan oo cidna aysan garabsiin.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.