KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Musharixiintu, waxa ay muujiyeen walaac ku aaddan, in Farmaajo doonayo inuu is hor istaag ku sameeyo, dhaarinta Xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee loo ballansan yahay 14-ka bishan oo ku aaddan khamiista fooda inagu soo heysa.
MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Murashaxiinta, aya si weyn kaga digay, wax aan marna la aqbali karinna ku tilmaamay, in ciidanka loo adeegsado dano siyaasadeed, xilli 12-ka bisha oo berri ku beegan, la sheegay in loo diyaar garoobay, munaasabadda lagu xusayo 62 sano guurada ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka xoogga dalka.
Midowga Murashaxiinta, waxa ay ciidanka ugu hambalyeeyeen munaasabadda aas-aaskooda, hayeeshee, waxa ay uga digeen, in loo adeegsado wax ka baxsan sharciga, iyo in mar kale uu kala qeybiyo Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday oo hore ciidanka xoogga dalka ku weeraray madax hore, siyaasiyiin, maamullo iyo Golaha intaba.
Mucaaradku, waxa ay ku baaqeen, madaama ay dalka ka jirto xaalad abaar iyo sicir barar oo aad u daran, lana guda galay qeybta labaad ee bisha Ramadadan, in la dhaqan galiyo saddexdaan arrimood ee kala ah;
1- Hantida iyo qarashka lagu bixinayo dabbaaldegga badankeed in loo weeciyo taakulaynta dadka tabaaleysan ee la daalaa dhacaya afur la'aanta bisha barakeysan ee Ramadaan.
2- Si looga baaqsado magaalada oo la xiro, isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha oo la joojiyo iyo in la xannibo xoogsata la diriraysa nolosha maalinlaha ah, in sidii ay horey u ahaan jirtay dabbaaldegga lagu ekeeyo taliska ciidanka iyo xaruntiisa.
3- In ciidanku ka fogaado fulinta ajandaha gurracan ee la damacsan yahay in lagu carqaladeeyo dhaarta xildhibaannada oo loo muddeeyey 14-ka April ee 2022-ka
Midowga Murashaxiinta, waxa ay shacabka Soomaaliyeed, xukuumadda, madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha caalamkaba, ugu baaqeen, in si isku mid ah looga horyimaado cid kasta oo isku deyda carqaladaynta dhammeystirka hawlaha doorashooyinka dalka.
Musharixiintu, waxa ay muujiyeen walaac ku aaddan, in Farmaajo doonayo inuu is hor istaag ku sameeyo, dhaarinta Xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee loo ballansan yahay 14-ka bishan oo ku aaddan khamiista foodda inagu soo heysa.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.