KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Mucaaradku waxa ay soo jeediyeen in dib loogu laabto dhammaan doorashada kuraasta lagu muransan yahay lana burriyo go'aannadii ay gaareen guddigii xallinta khilaafaadka ee dib u habaynta lagu sameeyey.
MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharixiinta ayaa maanta Golaha Wadatashiga Qaran, u gudbiyay soo jeedin ku aaddan sixitaanka hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashooyinka, waxayna si adag u dalbadeen in la saxo habraaca doorashada, si ay natiijadeeda u noqoto mid la aqbalo.
Odayaasha dhaqanka
Midowga Musharixiinta, waxa ay codsadeen in odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergooyinka ay noqdaan kuwii ka tirsanaa 135-tii oday dhaqan lana faafiyo liiska magacyadooda inta aysan doorashadu billaaban, isla-markaana loo madaxbanneeyo xulista ergooyinka, kaalinta dawlad goboleedkana ay ku ekaato fududaynta iyo amniga doorashooyinka.
Ergada
Waxa ay soo jeediyeen in hubin kadib ergada wax dooraneysa la diiwan geliyo, lana faafiyo liiska magacyadooda, ugu yaraan muddo seddax cisho ahna fursad loo siiyo inay kula kulmaan musharraxiinta kursiga ku tartamaya.
Musharraxa
Waxa ay ku baaqeen in la mamnuuco malxiiska ama in shakhsi gaar ah loo xiro kursiga, qodobka kaliya ee musharrax tartanka doorashada looga joojin karana uu yahay fal danbiyeed ay Maxkamad xukuntay, ama in lagu hayo fal argagexiso oo caddayn leh.
Madaxbannaanida Guddiyada
Waxa ay soo jeediyeen in xafiiska Ra'iisul Wasaaraha uu hubiyo madaxbannaanida Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo heer dowladgoboleed, kadibna guddiyadda loo madaxbanneeyo hirgelinta doorashooyinka.
Waxa ay xuseen in uusan ansax noqon doonin kursi aysan tartankiisu goobjoog ka ahayn saxaafadda madaxa bannaan iyo korjoogayaal ka kala socda Bulshada Rayadka ah, Xafiiska Ra'iisl Wasaaraha, Musharraxiinta xilka madaxweynaha, iyo hay'adaha caalamiga ah ee doorashooyinka korjoogteeya.
Qodobbo Guud
Mucaaradku waxa ay soo jeediyeen in dib loogu laabto dhammaan doorashada kuraasta lagu muransan yahay lana burriyo go'aannadii ay gaareen guddigii xallinta khilaafaadka ee dib u habaynta lagu sameeyey.
Sidoo kale, waxa ay ku baaqeen in meesha laga saaro qarash kasta oo ay ergooyinka laga qaado sida; qarashka danbi baarista, covid19 iyo wixii la mid ah, halka ay dalbadeen in la helo jadwal midaysan oo ay ku caddahay maalinta ay doorashadu billaabaneyso iyo maalinta ay dhammaaneyso iyo sida ay kuraasta u kala horreeyaan.
Amniga Dalka iyo Doorashooyinka
Musharixiintu, waxa ay soo jeediyeen in Xukuumadda Xil-gaarsiinta ay si buuxda masuul uga noqoto amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.