KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Kadib fashil amni soo wajahay Somaliland, waxa ay billaabeen raafka reer Koofureedka, oo ay ku eedeynayaaj inay ka dambeeyeen falal amniga lid ku ah oo ka dhacay Sool iyo Sanaag.
CEERIGAABO, Soomaaliya – Maamulka Soomaaliland ayaa muddo 14 cisho ah u qabtay, dadka ka sooo jeeda Koofura Soomaaliya, in ay ku faarijiyaan degmada Ceerigaabo, oo ah xarunta iyo magaalada ugu weyn gobalka Sanaag.
Sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Sanaag ahna sii hayaha xilka Gudoomiyaha, Maxamed Khaliif Nuur, go’aankaan ayaa ah mid lagu xaqiijinayo amniga magaalada.
Sida ay carabaabayaan, musuuliyiinta Soomaaliland, laamaha ammaanka iyo daka shacabka ah, ayaa madaxda sare u gudbiyay in ay dadka dan-yarta u badan ee Koofurta ka soo jeeda, ay khatar ku yihiin amniga degaanka, taasina ay sabab u tahay in raafo shacanb aan waxba galabsan.
Dadka laga saarayo magalada Ceerigaabo, waxaa sidoo kale ku jira dadka Itoobiyaan ku sugan degaanadaasi.
Maxamed Khaliif, wuxuu sheegay in 14-ka maalmood ee loo qabtay dadka ay tahay in ay ku diyaar garoobaan, wixii xilligaas ka danbeeyana isku diyaariyaaan in dib ugu laabtaan degaannadooda.
Dadka la celinayo, waxaa ku jira qoysas ku dhawaad 20 sano ku noolaa Sanaag, qaar ayaana ku leh, xarumo ganacsi oo waaweyn.
Billowgii bishaan, Booliska Somaliland ayaa magaaladda Laascaanood ka billaabay qab-qabashadda dadka kasoo jeeda degaannada Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo ugu danbeyn lagu soo raray gawaari xamuul ah oo u soo daad-gureeyay koofurta waddanka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.