KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Sida ay saadaalinayaan khubarada Arrimaha Bini'aadannimada, Soomaaliya waxa ay qarka u saaran tahay macluul daran, taasoo haddii aan si degdeg ah looga hor tagin galaafan karta dad badan oo dan yar ah oo aan heli kari karin adeegyada aasaasiga ah ee nolosha.
UNITED NATIONS - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa galabta kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaana warbixin sii doona Golaha.
Bishii May 2022 ayaa ugu danbeysay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) uu Golaha Ammaanka u gudbiyo xogta xaaladda Soomaaliya, xilligaas Swan wuxuu diiradda saaray doorashooyinkii soo gabagaboobay 15-kii bishii May.
Maanta waxyaabaha la filayo inuu ka hadlo waxaa ka mid ah xaaladda amniga oo aan xal loo yihin, xilli Al-Shabaab kordhisay weerarrada isla-markaana qeybo ka mid ah dalka uu ka billowday guluf dagaal oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo beelo is abaabulay.
Sidoo kale wuxuu ka hadli doonaa xaaladda abaaraha, xilli xaaladda bini'aadminnimo ee dalka ay ka sii darayso kaddib markii ay baaqdeen roobabkii afaraad ee xiriir ah, isla-markaana ay abaartu saamaysay ku dhowaad 7.8 milyan oo qof, ku dhawaad 50% dadka.
Sida ay saadaalinayaan khubarada Arrimaha Bini'aadannimada, Soomaaliya waxa ay qarka u saaran tahay macluul daran, taasoo haddii aan si degdeg ah looga hor tagin galaafan karta dad badan oo dan yar ah oo aan heli karin adeegyada aasaasiga ah ee nolosha.
Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxaa la aas aasay 3-dii June 2013, kadib qaraarkii Golaha Ammaanka ee ee tirsigiisu ahaa 2102, iyadoo u jeedku ahaa in Soomaaliya laga caawiyo dhinacyada nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.