Golaha shacabka oo berri codka kalsoonida u qaadaya RW Xamse

Xamse Cabdi Barre ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS, wuxuuna ku fadhiyay kursiga HOP203, kaasoo 28-kii December 2021, lagu doortay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Warar Keydmedia Online
Golaha shacabka oo berri codka kalsoonida u qaadaya RW Xamse

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS ayaa maalinta berri u qaadaya codka kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kaasoo 15 June 2022, uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay xilkaas.

Xildhibaannada ayaa loo diray farriin qoraaleed lagu wargelinayo fadhiga maalinta berri ee Ajandaha kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban, taasoo baaqatay Arbacadii maadaama ay dalka ka maqnaayeen Madaxweyanaha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“Beri oo  Sabti ah 25 June waxaa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha magacaaban”. Ayaa lagu yiri farriinta loo diray Xildhibaannada.

Ra’iisul Wasaare Xamse, wuxuu dhawaan soo gabagabeeyay, kulamadii ugu danbeeyay oo uu ku raadinayay sidii uu ku heli lahaa ansixinta baarlamaanka, isagoo kulamo kala duwan la qaatay xildhibaanadda Barlamaanka JFS, kuwaasoo uu ka dalbaday codka kalsoonida.

Xamse Cabdi Barre ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS, wuxuuna ku fadhiyay kursiga HOP203, kaasoo 28-kii December 2021, lagu doortay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Hamse Cabdi, waxa uu shahaadada BA ka qaatay Jaamacadda Sayniska iyo Tignoolajiyadda ee Yemen (2001), ka hor inta marqaatiga labaad ka diyaarin International Islamic University of Malaysia (2009), wuxuuna ka soo shaqeeyay waxbarashada.

Xamsa wuxuu hore u soo noqday Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Jubaland (2019-2020); la-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka (2015-2019), iyo la-taliye sare oo dhinaca maamulka ah Duqii Muqdisho (2014-2015).

RW Barre waxa uu sidoo kale soo noqday Xoghayihii hore ee Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP: 2011-2017, oo hadda ah Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka - UPD), oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.