Golaha wasiirada: hala adkeeyo amaanka dalka.

Muqdisho (Keydmedia) - Golaha wasiirada Xukuumada Kg Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, iayaga oo si weyn uga hadlay arimaha amaanka dalka iyo sida sare loogu qaadi karo.
Warar Keydmedia Online

Golaha ayaa waxa ay isla ogolaadeen in amaanka sugidiisa sare loo qaado si looga feejignaado weerarro ku dhufo oo kadhaqaq ah, qaraxyo iyo shirqoollo kale oo ay soo maleegto kooxda Shabaab oo ay golohu sheegeen in looga guulestay dagaalka tooska ah.

Shirkii maanta ee golaha wasiirada ayaa sido kale waxaa amaan loogu jeediyay ciidamada xoogga dalka ee ku guuleestay in ay naftiisa dhaafiyaan hogaamiyihii Al-Qaeda ee Bariga Afrika, Fazuol Abdullah Mohamed.


Hadalka golaha wasiirada kasoo baxay ayaa imaanaya xilli kooxda Shabaab ay carabka ku adkeysay fulinta weerarro dheeraad ah oo lala beegsado masuuliyinta dowlada iyo ciidamada AMISOM, kadib marki ay weerar ismiidaamin ah ay ku dileen wasiirkii arimaha gudaha iyo amaanka qaranka.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.