Kulankii Golaha wasiirada

Muqdisho (KON) - Shirkii golaha wasiirada ee joogtada ahaa oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare Cabdi faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka dhismaha hay’adda maareeynta masiibooyinka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale goluhu ka doodeed labo hindise sharciyeed oo dib loogu celiyay gudiyo farsamo si ay u soo ebyaan inta aanu goluhu ansixin.
Warar Keydmedia Online

Hindise Sharciyeedka dhismaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa waxaa soo gudbiyay Wasaara Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka. Waxaana uu sharcigani qeexayaa qaab dhismeedka iyo hawlaha cayiman ee hay’addan oo mudo hal sano iyo lix bilood ah si ku meel-gaar ah ku shaqaynaysay. Hay’adda ayaa ka hawl-galaysa maareynata musiibooyinka dabiicigaa ee ay kamid yihiin abaaraha iyo daadadka ka dhaca Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka hadlay muhiimada sharci dajinta dalka oo uu ku tilmaamay mid wax tar weyn u leh dib-u-dhiska Soomaaliya. Asagoo dhanka kalana ugu baaqay golaha baarlamaanku inay gudbiyaan shuruucda horyaala ee xukuumadiisu horey ugu soo gudbisay.

“Waa lagama maarmaan in labada gole ee dawladdu ka wada shaweeyaan sharci dajinta dalkan, si loo dar-dar-galiyo hawlaha dawladda iyo adeega bulshada ee baahida weyn ummada Soomaaliyeed u qabto. Sharcigu waa tiirka koowaad ee dib-u-dhiska hay’addaha iyo wakaaladaha muhiimka ah ee qaabilsan fulinta hawsha dawladda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta mudane Ibrahim Isaaq Yarrow oo saxaafada la hadlay shirkii golaha wasiirada kadib ayaa sheegay in xukuumadu xooga saartay sharcidajinta si ay u suurto gasho in dalka la xasiliyo lana hormariyo. Waxaa uu wasiirku intaas ku daray inay maanta kaliya golaha baarlaanka xukuumaddu horgaysay shan Hindise Sharciyadeed, kuwo kalana wali horyaalaan golaha oo ay ka sugayaan inay ansixiyaan.

---- DHAMAAD ----

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.