Gole Tageero Qaranimada Dowladda Soomaaliya oo laga dhisay Muqdisho

Muqdisho (KON) – Waxaa Maantay lagu Asaasay Gole Taageero, Golahan ayaa waxaa lagu sheegay in ay ujeedadiisu tahay Gole lagu Taageerayo Dowladda Soomaaliyeed iyo Qaranimadda Soomaaliya sida ay sheegeen dadkii kasoo qeyb galay.
Warar Keydmedia Online
Gole Tageero Qaranimada Dowladda Soomaaliya oo laga dhisay Muqdisho

Siyaasiyiintii munaasbada kasoo qeyb gashay ayaa waxa ay aragtidooda ka dhibteen sida uu u shaqeyn doono golahan, waxayna tilmaameen in golahan uu yahay mid lagu Taageerayo Dowladnimadda Soomaaliya.

Nasiib darada Golahan intuusan hanaqaadin ku habsatay,  ayaa waxaa ka mid ah Raga ka dhex muuqda oo ah kuwo ka soo qeyb qaatay Burburinta Qaranka Soomaaliyeed. Waxaay qaarkoo la socdeen 2006dii Cidamadii Amxaarada ee u Hogaaminayey Jeneraal Gabre. Waxaa Ragaas ka Xasuusataan Gacmadheere oo ahaa Dubihii Koronel C/llahi Yusuf u 9 Degmo ee Magaalada Muqdisho ku Burburiyey. Ama Ismaciil Buubaa oo Xariif ku ah inuu kulaalo hadba Dharii Dabka saaran. Raga Nuucaas ah maxay soo kordhin karaan? Waxaa laga sugaa waa: Khilaaf hor leh, Qas, Gor-gortan iyo Jeebka oo Martay.

Keydmedia.Net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.