Gollaha Shacabka oo ansixiyay Hindise-sharciyeed

Xildhibaanada ayaa dood kulul kadib meel mariyay hindise-sharciyeedka, kaasoo kusoo beegmaya xili dalka uu galay marxalad kala-guur ah, oo ay kusoo wajahan yihiin doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudanaayasha Gollaha Shacabka ayaa ansixiyey Hindishe-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed oo ay ogalaadeena 139 Mudane, iyadoo ay diideen 2, mana jirin Xildhibaanno ka aamusay.

Dhanka kale, Mudanayasha ayaa Ka doodaya:

1-Akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Hay'adda Baaritaanka Iyo Sharciyadda Beeraha
2-Akhrinta 2-aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay'adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaliyeed
3-Qeybinta Dib U Eegista Miisaaniyadda 2020-ka ee Golaha Shacabku Ansixiyey

Kulanka oo ka dhacay Villa Hargeysa Maanta oo Isniin ah, ayaa waxaa Shir Guddominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye ku-xigeenka 1aad Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.