Goorma ayaa la Caleema-saarayaa MW Xasan Sheekh?

Waxaa la filayaa in Madaxda Geeska Afrika sida Kenya, Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti inay kasoo qeybalaan Caleema-saarka Xasan Sheekh.

Warar Keydmedia Online
Goorma ayaa la Caleema-saarayaa MW Xasan Sheekh?

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 9-ka June loo caleema-saari doonaa Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya, waxaana amniga sugaya Gudi uu RW Rooble magacaabey.

Waxaa la filayaa in Madaxda Geeska Afrika sida Kenya Uhuru Kenyatta, Uganda Yoweri Museveni, Itoobiya Abiy Axmed iyo Jabuuti Geelle inay kasoo qeybalaan Caleema-saarka Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh oo la doortay 15-kii bishan ayaa nasiib u yeeshay inuu noqdo hogaamiye labo jeer Madaxweyne ku noqda markii ugu horeysay Taariikhda Soomaaliya tan iyo xoriyaddii 1960-kii.

Doorashadda Xasan Sheekh waxay timid xili Geeska Afrika xasarado ay ka jiraan, oo isbedello waaweyn ka dhacayaan afartii sano ee Abiy Axmed xukunka Itoobiya haystay.

Caqabado gudaha iyo dibadda ayaa horyaalla Xasan Sheekh inuu wax ka qabto, iyadoo siyaasadda dibadda uu aad ugu ciyaarey Farmaajo, oo colaadiyay dalalkii aadka ugu dhawaa Soomaaliya.

Safar ayaa la filayaa inuu Madaxweynaha ku tago dhamaan shanta Maamul Goboleed, kaasoo ugu magac-daray socdaalkii nabadda, isagoo isku dayaya inuu dib isagu keeno madaxdii kala irdheeyay Farmaajo, si dalka dhibaatooyinkiisa la isaga kaashado wax ka qabashadooda.

Doorashaddii Xasan Sheekh waxay ahayd mid soo afjartay shan sano oo hubanti la'aan ah, cabsi iyo kaligii-talisnimo, iyadoo laga welwelsanaa jihada uu dalka aadi doono doorasho la'aan 2022.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.