Goorma ayay dhacaysaa doorashadda Madaxweynaha?

Xiliga doorashadda waxay u tahay fursad dalka, maadaama uu lumin karo taageeradda dhaqaale ee IMF bartamaha bishan, hadii aan la dooran dowad cusub oo dib u eegis ku sameysa deynta-cafinta.

Warar Keydmedia Online
Goorma ayay dhacaysaa doorashadda Madaxweynaha?

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo 14-kii bishii April, markii la dhaariyay Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, waxaa aad loo hadal-hayay doorashadda Madaxweynaha, oo ololaheeda socdo.

Waxaa Gudoomiye cusub loo doortay Gollaha Shacabka 27-kii April, sidoo kale Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa dib loo doortay 26-kii April, waxayna doorashadooda ahayd mid lasoo dhaweeyay.

Sheekh Aadan Madoobe, oo ah Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ayaa talada la wareegay, inkastoo uu dastuurka siinayo awoodaad, haddana waxaa ka saameyn badan MW hore Farmaajo.

Si kastaba, waxay labada golle ee Baarlamaanka dhiseen Gudi isku dhafka ah oo ka kooban 17 xubin, oo Maanta doortay Gudoomiye iyo ku-xigeen, iyagoo la filayo inay shaaciyaan waqtiga doorashadda Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.

Inkastoo wali jadwalka soo bixin, haddana Keydmedia Online ayaa heshay macluumaad sheegaya in doorashadda la qaban doono 15-ka bishan, oo ka harsan 10 maalin, waxaana dhici kara dib u dhac, hadii khilaaf yimaada ama kooxda Farmaajo carqaladeyso.

Farmaajo ayaa kamid ah Musharixiinta u tartamaya xilka ugu sareeya dalka, isagoo aan haysan taageeradii 2017, oo mudadii uu Villa Somalia joogay baa'biyay kadib markii uu lasoo baxay dhaqan kali-talisnimo.

Waa doorasho baarlamaani ah, oo aan shacab codeyn doonin, waxaa Madaxweynaha ku imaan doonaa codadka Xildhibaanada Baarlamaanka 11aad, oo ka kooban 329 mudane.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.