Goorma ayuu dhacayaa Caleema-saarka MW Xasan Sheekh?

Booqashada Muqdisho ee qaar ka mid ah madaxda Afrika, gaar ahaan kuwa geeska, ayaa la rumeysan yahay in ay iba-fur u noqon doonto, wada-hadallo lagu xallinayo khilaafaad diblumaasiyadeed oo muddo aloosnaa, kuwaas oo ay abuureen kooxda xilka banneysay.

Warar Keydmedia Online
Goorma ayuu dhacayaa Caleema-saarka MW Xasan Sheekh?

MUQDISHO, Soomaaliya – Caleema-saarka Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa in la qabto, 9-ka bisha soo socota ee June, waxaana ka qeyb galka Caleema-saarka, lagu casuumay inta badan madaxda dalalka Geeska Afrika.

Qorshuhu wuxuu ahaa in 01/06/2022, uu dhaco caana-shubka Xasan Sheekh, hayeeshee, cudur-daar ka yimid qaar ka mid ah hoggaanka madaxda la casuumay oo uu ku jiro Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gadaal loogu dhigay 9 maalin.

Qaban qaabada xafladda Caleema-saarka, ayaa ka socota Caasimadda, waxaana sidoo kale ka qeyb gali doona, madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, wakiillada beesha caalamka ee Muqdisho ku sugan iyo marti sharaf kale oo ajaanib iyo Soomaali leh.

Booqashada Muqdisho ee qaar ka mid ah madaxda Afrika, gaar ahaan kuwa geeska, ayaa la rumeysan yahay in ay iba-fur u noqon doonto, wada-hadallo lagu xallinayo khilaafaad diblumaasiyadeed oo muddo aloosnaa, kuwaas oo ay abuureen kooxda xilka banneysay.

Xasan Sheekh Maxamuud, oo 15/05/2022, ku guuleystay, xilka ugu sarreeya dalka, ayaa hal ku dhig siyaasadeed ka dhigtay, “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah” waxaana indhaha lagu hayaa sida uu xalliyo khilaafaadka diblumaasiyadeed ee taagnaa shan sano.

Dhawaan wuxuu la wareegay shaqada xafiiska, waxaa laga sugayaa inuu soo magacaabo Ra’iisul Wasaariihii 21-aad ee dalka, si loo dhiso xukuumad baddesha midda Xil-gaarsiinta ee uu hoggaamiyo RW Maxamed X. Rooble, oo masuul ka ahayd hirgalinta doorashada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.