Goorma ayuu RW Xamse Wasiiradiisa horgeynayaa Baarlamaanka?

Todobaadkii tagey ayuu Ra'iisul Wasaaraha ku dhawaaqay Gollaha Wasiiradda, iyadoo la filayo in Xildhibaanada ay siiyaan codka Kalsoonida.

Warar Keydmedia Online
Goorma ayuu RW Xamse Wasiiradiisa horgeynayaa Baarlamaanka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda ayaa berri, Axad, August 7 la horgeyn doonaa Baarlamaanka, oo codka kalsoonida waydiisan doona Xildhibaanada Labada Aqalka.

Berri oo  Axad ah, taariikhdu tahay 7 August, waxaa jira kulanweynihii  Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya. Agendaha. U codeynta  kalsooni siinta Xukuumadda magacaaban iyo barnaamijkeeda," ayaa lagu yiri qoraal loo diray Xildhibaanada.

Todobaadkii tagey ayuu Ra'iisul Wasaaraha ku dhawaaqay Gollaha Wasiiradda, iyadoo la filayo in Xildhibaanada ay siiyaan codka Kalsoonida, maadaama xubnaha magacaaban intooda badan ay kamid yihiin Baarlamaanka.

Xasan Sheekh ayaa sugaya ansixinta Xukuumadda, maadaama uu safar u yahay dalka Uganda, oo 9-ka illaa 10-ka bishan ku maqnaan doona, isagoo la shir gudoomin doona Museveni madasha ganacsiga labada dal, sida ay Keydmedia Online ogaatey.

Gollaha Wasiiradda cusub waxay ka kooban yihiin 26 wasiir, oo uu ku jiro Mukhtaar Roobow, oo laga dhigay Wasiirka Diinta, iyadoo magacaabistiisa ay dhalisay hadal-heyn xoog leh gudaha iyo dibadda dalka, waxaan aad wax uga qorey warbaahinta reer galbeedka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.