Goorta lasoo afjarayo dagaalka Al-Shabaab oo la shaaciyay

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqey dagaal aan waxba loola hareynin oo Al-Shabaab dalka oo dhan looga saarayo kadib markii ay kooxda weerartay Hayat hotel.

Warar Keydmedia Online
Goorta lasoo afjarayo dagaalka Al-Shabaab oo la shaaciyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Xuseen Maclin oo ah la taliyaha amniga qaranka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in labo sano gudahooda, 2022 iyo 2023 lagu soo afjari doono dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

La-taliyaha ayaa xusay in dowladda iyadoo aan dalka ka saarin Al-Shabaab fadhi u yaallin, oo xoogga saari doonto sidii Kooxdan awoodeeda loo wiiqi lahaa, islamarkaana nabad iyo xasilooni dalka loogu soo celin lahaa.

Dowladda iyadoo bilooyin jirta ayay dagaalka qaadey, waxayna sameysay isku tashi, iyadoo kicisay dadka shacabka ah, sida uu sheegay Xuseen Maclin, isagoo intaasi ku daray in la gaarey hadda guulo la taaban karo, inta dhimana sanadka cusub lasoo afmeeri doono.

Dagaalka ayaa waxaa hogaaminaysa Ciidanka qaranka, iyadoo kuwa ATMIS laga tashadey, maadaama waxba qaban wayeen 15-kii sano ee dalka ay joogeen, oo aysan dhaafin xeryahooda, lacaga Mushahaarka ku sugaan bil walba.

Malleeshiyaadka Macwiisleey ayaa dowladda ka taageeraya dagaalka, iyagoo ka saarey Al-Shabaab dhul badan oo Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe kamid yihiin, kuwaasoo ugu dambeeyay Aadan Yabaal iyo Run Nirgood, oo 240KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqey dagaal aan waxba loola hareynin oo Al-Shabaab dalka oo dhan looga saarayo kadib markii ay kooxda weerartay Hayat hotel ee Muqdisho August 2022.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.