Gorgor iyo Haramcad oo la geeyay Garoonka Muqdisho

Waxay tallaabadan kusoo aadaysaa xili Garoonka ay ku sugan yihiin Axmed Madoobe iyo Deni, oo mucaarad ku ah Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Gorgor iyo Haramcad oo la geeyay Garoonka Muqdisho

MUQDISHO, Soomalaiya - Farmaajo ayaa saakay Ciidamo isagu jira Gorgor iyo Haramcad geeyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, maalin kadib markii taliska amniga uu ku wareejiyay taliyaha booliska G/Banaadir Saadaq Joon.

Illo ku dhaw NISA ayaa KON u xaqiijiyay Ciidamada maanta la geeyay Garoonka, kuwaasoo sidoo kale howlgallo baaritaanno ah ka sameeyay xaafadaha ku dhaw, iyadoo aan la ogeyn ujeedka uu Farmaajo ka damacsan yahay.

Garoonka qeyb kamid ah waxaa degan Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo tan iyo todobaadkii lasoo dhaafay kawaday kulamo xiriir ah oo ay la qaadanayeen mucaaradka iyo diblomaasiyiinta beesha Caalamka ee ku howlan isku soo dhaweynta dhinacyada iska soo horjeeda si xal loogu helo khilaafka doorashadda.

Farmaajo ayaa Gorgor iyo Haramcad u adeegsada danihiisa siyaasadeed inuu ku fushado, wuxuuna ku weeraray dhowr jeer siyaasiyiin mucaarad ah, iyadoo ku afduubey doorashooyinkii Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Ciidankan waxaa tababaray Turkiga, waxayna toos uga amar qaataan Farmaajo iyo Fahad Yaasin, iyadoo ragga hogaamiyaha ay yihiin xubno kasoo goostay kooxda argagaxisadda Al-Shabaab, sida taliyaha Haramcad Farxaan Qaroole.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.