Guddi loo saaray barista kiiska Ikraan Tahliil

Xaafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee CQS ayaa guddi u saaray kiiska Ikraan Tahliil, oo maqane ah tan iyo 26-kii Juun, wuxuuna caddeeyay in xeer ilaalintu aqbashay gal-dacwadeed ay furteen ehellada Ikraan.

Warar Keydmedia Online
Guddi loo saaray barista kiiska Ikraan Tahliil

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa magacaabay guddi saraakiil ah, kuwaas oo baaraya kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo taliska NISA, lagu eedeeyay in ay afduubteen 26-kii bishii la soo dhaafay Juun.

“Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa u magacaabay Sedax Sarkaal oo ka kala Socdo Xafiiska Xeer ilaalinta, Boliiska & Nabad-Sugidda Baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faarax  oo la la’ yahay tan iyo 26-kii June Sanadkan”. Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xeer ilaalinta.

Xeer ilaaliye, Buulle Kamay, ayaa Taliska Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ku amray in ay si daahfuran ula shaqeeyaan guddiga barista, si loo helo xaqiiqada kiiskaan.

“Xeer Ilaaliyaha ayaa Faray Taliska NISA in ay ula shaqeeyaan Saraakiisha magacaaban Wadda kasta oo lagu Gaari karo Danta Cadaaladda”. Ayaa sidoo kale lagu yiri warka.

Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, wuxuu caddeeyay inuu aqbalay furashada Gal-Dacwadeed ay u soo gudbisteen ehelka Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd shaqaalaha NISA.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Soomaaliya iyo Taliyaashii kala danbeeyay ee NISA, ayaa sheegay in kiiska Ikraan Tahliil, uu yahay khaarijin ay maleegeen Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis, isla-markaana uu fuliyay Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Yaasiin Farey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.