Guddi loo xil saaray in ay soo baaraan dilkii Sheekh Cali Dheere

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa magacaabay guddi xaqiiqo raadin ah oo soo baara dilkii loo geystay AUN Samafale Sheekh Cali Dheere oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Warar Keydmedia Online
Guddi loo xil saaray in ay soo baaraan dilkii Sheekh Cali Dheere

GAALKACYO, Soomaaliya - Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu magacaabay Guddi xaqiiqo raadin iyo baaris ku sameeya falkii afduubka iyo dilka loogu geystay Allaha u naxariiste Sh. Cali Axmed Faarax (Sh. Cali Dheere) oo ka tirsanaa culumada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya samafalka oo ka howlgali jiray gobolka Mudug. 

Madaxweynuhu wuxuu magacaabay guddiga hoos ku xusanyihiin:-

  1. Avv Muumin Xuseen Cabdulaahi (Guddoomiye)
  2. Avv Cabdixakiin Maxamed Xirse  (Guddoomiye kuxigeen)
  3. Saciid Maxamuud Jimcaale          (Xogheyn)
  4. G/Dhexe Maxamuud   Axmed Maxamed (Cawil) (Xubin)
  5. X/LE Ciise  Axmed Cali   (Xubin)
  6. Cabdi Jaamac Cabdulle (Xubin)
  7. C/risaq Khaliif Aaden  (Xubin)

Magacaabista guddigaan ayaa dhaqangaleysa marka uu saxiixo madaxweynuhu waana uu saxiixay.

Falka lagu dilay AUN Marxuum Cali dheere ayaa aad loo cambaareeyay, bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa dareenkooda ku muujiyay isku soobax ay ku doonayaan in Marxuumku uu caddaalad helo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.