Guddiga gurmadka abaaraha oo la dhisayo

Howsha ugu horreysa ee ay xukuumadda Soomaaliya todobaadkan qabaneyso, ayaa lagu sheegay dhisida guddi qaran oo u gurmada dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Warar Keydmedia Online
Guddiga gurmadka abaaraha oo la dhisayo

MUQDISHO, Soomaaliya- Guddigan ayaa waxaa hoggaamin doona Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo ay qeyb ka noqon doonaan maamul goboleedyada dalka ka jira, sida ay ka dhawaajisay goordhaw xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa guddigan kaalin weyn ku yeelan doona, qeybaha kala duwan ee bulshada, sida dhallinyarada, haweenka, odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo culumada.

Guddigan howsha ugu ballaaran ee ay qabanayaan, ayaa lagu sheegay, ballaarinta wacyiga bulshada ee ku aaddan xaalada abaaraha, oo iminka mareysa meel halis ah, iyadoo bulshada fariimo kala duwan loo marin doono qeybaha warbaahinta gudaha dalka iyo dibadda.

Xukuumadda ayaa sidoo kale, hay'adaha sama falka iyo qurba joogta Soomaaliyeed ka dalbatay, in ay il gaar ah ku fiiriyaan dadka ay abaartu saameysay, isla markaana ay jawaab bani'aadanimo ka bixiyaan daruufaha jira.

Guddigan la dhisayo ee kaalinta ka geysanaya xaaladda abaarta, ayaa laga dhursugayaa, waxa uu kaga duwanaan karaan, guddiyadii hore loogu dhawaaqi jiray, kuwaas oo haba yaraatee aan waxba soo kordhin jirin.

Gudaha dalka waxaa waqtigan ka jirta, abaar aad u daran, taas oo galaafatay nolosha tiro dad ah, isla markaana cagta marisay beerihii iyo xoolihii ay lahaayeen bulshada Soomaaliyeed, ilaa iyo iminkana ma jirto jawaab bani'aadminimo oo ay dadkaasi heleen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 5 October 2022 10:59

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay saraakiisha uu hoggaaminayay Generaal Odowaa, isagoo la wadaagay qorshaha Wasaaradda ee la xiriira Arrimaha Gargaarka, Xasillinta iyo ka jawaabista dhammaan baahiyada adeeg eeka jira degaannada la xoreeyay.