Guddoomiyaha Aqalka Sare oo gaaray Garoowe 

Madaxda ka tirsan dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta ku qul-qulaya Garoowe, si ay uga qeyb galaan aaska madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo maanta la aasayo.

Warar Keydmedia Online

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta gaaray magaalada Garowe, si uu uga qeyb galo aaska Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi. Guddoomiyaha waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka. 

Mas'uuliyiinta soo dhoweyay waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.