Guddoomiyaha BJFS oo Baydhabo gaaray

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal ayaa gaaray magaalada Baydhabo.

Warar Keydmedia Online
Guddoomiyaha BJFS oo Baydhabo gaaray

BAYDHABO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoo si diirran halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Guddoomiye Mursal oo ay wehliyaan qaar kamida xildhibaanada ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed ayaa halkaas loogu sameeyay soo dhaweyn, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad goboleedka KGS Cabdicasiis Lafta-gareen iyo qaar kamida xubno isugu jira golaha wasiirada iyo Baarlamanka dowlag goboleedka KGS.

Socdaalka wafdiga ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay ka qeyb galka sanad guurada Labaad ee kasoo wareegatay markii Madaxweyne Lafta-gareen loo af duubay masiirka dadka reer KGS sidoo kale lasoo xiray Mukhtaar Roobow Abuu mansuur, munaasabaddaas ayaa ku beegan 19/12/2020. iyadoo dhanka kale lagu wado in baroor diiq loo sameeyo shacabkii lagu laayay waddooyinka magaalada Baydhabo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.