Guddoomiyaha Maxkamadda iyo Xeer ilaaliyaha Degmada Baydhabo oo la xiray

Badhabo (KON) - Waxaa Maantay Magaalada Baydhabo Xabsiga loo taxaabay Guddoomiyaha Maxkamadda iyo Xeer ilaaliyaha Degmada Baydhabo.
Warar Keydmedia Online
Guddoomiyaha Maxkamadda iyo Xeer ilaaliyaha Degmada Baydhabo oo la xiray

Guddoomiyaha Maxkamadda Sheekh Maxamed Gaab iyo Xeer ilaaliyaha Degmada Axmed Yare.ayaa lagu eedeeyay in ay Xabsiga kasii daayeen Nin gacan-ku-dhiigle ahaa oo lagu xukumay Dil toogasho.

Nimankaan ayaa la sheegay in ay qaateen Lacag Laaluush ah, hada kahornah sidoo kale sameeyeen.

Inkastoo aan la ogeyn cidda bixisay amarka lagu soo xiray labadan mas’uul, ayaa haddana waxaa la sheegay in la bixiyay amar labadan mas’uul lagu soo xirayo, kuwaasoo lagu kala magacaabo.

Maamulka Degmada wali kama uusan hadlin Arintaan

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.