Guddoomiye degmo oo magac dowladeed ku dhacaya shacabka

Derkeeley, waxa ay ka mid tahay degmooyinka la daalaa-dhaca dhibaatada jid la’aanta, nadaafad xumada iyo amni yarida, waxaana sida muuqada loogu sii daray boob iyadoo loo marayo magac dowladeed.

Warar Keydmedia Online
Guddoomiye degmo oo magac dowladeed ku dhacaya shacabka

MUQDISHO, Soomaaliya - Dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmadad Dhekeeley ee  Gobolka Banaadir, ayaa ka cabanaya lacag loogu magac daray diiwaan galinta guryaha oo uu ku soo rogay Maamulka degmada Dharkeynley ee uu guddoomiyaha ka yahay Guhaad Sheekh Xasan.

Ciidamo ka socda Xaafiiska Guddoomiyaha, ayaa galaya xaafad kasta oo ku taalla degmada, waxayna qeybinayaan waraaqo ay ku qoran yihiin in 24 saac gudahood ay dadku tagaan xarunta degmada.

Waraaqaha waxaa ku qoran hanjabaad, waxaana dadka lagu war galiyay in xabsi iyo ganaax la kulmi doonaan, haddii waqtiga ku qoran waraaqda aysan tagin xaafiiska diiwaan galinta guryaha.

Dhamaan dadka tagay xarunta degmada Dherkeeley, ayaa loo sheegay in ay bixiyaan lacag gaareysa $15 doolar, taas oo ku dhaceysa (EVC Plus) taleefan gaar loo leeyahay.

Sida uu noo sheegay qof kireyste ah, oo dhwaan degay degmada, waxaa dadka degan guryaha aysan lahayn ee kirada bixiya laga qaadayaa in la mid ah caddadka lacageed ee laga qaaday milkiilaha guriga, taas oo labo laab ka dhigeysa lacagta laga qaaday halkaas guri.

Warqadda diiwaan gelinta ee degmada Dharkeynley u gaarka ah ayaan lahayn tiro ama lambar diiwaangelin oo isku xigta, sidoo kale ma jiro cid ku saxiixan oo mas’uul ah waxaana dadka sawirro looga qaadayaa Mobile-lo ay wataan shaqaalaha Xafiiska Diiwaangelinta.

Sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen dadka degmada, waqti badan ayaa ka dhiman xilligii uu Gobolka Banaadir qaadi jiray lacagta loo yaqaan canshuurta guryaha, waxayna tallaabada uu hadda qaaday guddoomiyaha degmadad Guhaad Sheekh Xasan, ay ku tilmaameen, awood sheegasho iyo dhac xoolo daad weyne.

Derkeeley, waxa ay ka mid tahay degmooyinka la daalaa-dhaca dhibaatada jid la’aanta, nadaafad xumada iyo amni yarida, waxaana sida muuqada loogu sii daray boob iyadoo loo marayo magac dowladeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.