Guddoomiyihii maxkamadda sare ee C.Q.S. oo xilkii laga qaaday

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yaroow ayaa xilkii laga qaaday iyadoo guddoomiye cusubna loo magacaabay.

Warar Keydmedia Online
Guddoomiyihii maxkamadda sare ee C.Q.S. oo xilkii laga qaaday

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida Liibaan Cali Yaroow ayaa xilkii laga qaaday, waxaana lagu baddalay oo xilkaasina loo magacaabay Gaashaanla Maxamuud Axmed Xasan (Dalab).

Isbadalka ciidamada iyo garsoorka ayaa aad usii kordhay sanadkii ina dhaafay waxaa la badalay tiro ka tirsan taliya-yaasha ciidamada kala duwan ee Dowladda Soomaaliya iyadoo sidoo kalena ay dhinac socdaan bedelka madaxda sare ee garsoorka dalka.

Inta badan lama arko isbadal lagu sameeyo ciidamada ama garsoorka taasoo ku timaadda tayo xumo iyo aqoon la'aan, waxaana inta badan wax la baddalaa markii ay dano ama siyaasadda gasho in la baddalo mas'uul xil qaran hayay, iyadoo inta badan lagu qancinayo shakhsiyaad taageero looga doonayo xilalka lakala badalayo.

Labada mas'uul ee xilalka loo kala baddalay waa isku beel, waxaana garab iyo taageero looga rabaa beesha oo loo muujiyay in loo caddaalad sameeyay.

Gaashaanle Maxamuud Axmed Xasan Dalab, guddoomiyaha cusub ee la magacaabay ayaa waxa uu ka tirsanaa Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.