Gudiga Amniga Doorashadda oo lagu dhawaaqay

Waxaa ku jira taliyaha booliska AMISOM, iyadoo inta kale ay yihiin Soomaali.

Warar Keydmedia Online
Gudiga Amniga Doorashadda oo lagu dhawaaqay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa ku dhawaaqay liiska Gudiga Amniga Qaran ee Doorashadda oo ka kooban shan xubnood, oo isaga uu gudoomiye u yahay.

Waxay kala yihiin, taliyaha AMISOM, taliyaha booliska Soomaaliya iyo taliyeyaasha booliska Maamul Goboleedyada, taliyaha booliska gobolka Banaadir iyo Ra'iisul wasaare Rooble.

RW Rooble ayaa u muuqda mid waqtiga uga dhamaanaya wax magacaabis, iyadoo mudadii doorashadda in la qabto lagu heshiiyay ay ka hartay 36 maalmood.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.