Gudiga Isku-dhafka doorashadda Madaxtinimo oo Gudoon doortay

Gudiga ayaa la filayaa inuu 10 maalin kadib uu qabto doorashadda xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana lagu beegay maalinta dhalinyaradda SYL.

Warar Keydmedia Online
Gudiga Isku-dhafka doorashadda Madaxtinimo oo Gudoon doortay

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Abdiqani Geelle Maxamed, oo laga soo doortay Puntland, ayaa Maanta loo doortay inuu noqdey Gudoomiyaha Gudiga Isku-dhafka doorashadda Madaxweynaha.

Xilkan waxaa u tartamay saddex Musharax, waxaana ku guuleystay Senator Cabdiqani oo helay 10 cod, Maxamed Axmed Beerey 5 cod, halka Senator Cabdi Ismaaciil Samatar uu helay 2 cod.

Waxaa Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed isna loo doortay ku xigeenka gudoomiyaha kadib markii uu helay 9 cod, isagoo ka guuleystay Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow.

Codka waxaa dhiibtay xubnaha Gudiga oo ka kooban 17, kuwaasoo shalay la magacaabey, iyagoo ka yimid Aqalka Sare iyo kan Hoose, oo kawada shaqeynaya qabashadda doorashadda.

Doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ahayd inay dhacdo 8-dii Feb 2021, balse dib u dhacday, iyadoo Farmaajo uu geliyay dalka xaaladda hubanti la'aan ah kadib markii uu mudo-kordhin sameystay, taasoo horseeday dagaal ka dhacay Caasimadda.

Doorashadda ayaa la filayaa inay dhacdo 15-ka May, oo ku beegan maalinta dhalinyarada SYL ay aas-aaseen Ururka Gobinimo-doonka ahaa, oo Taariikhda dalka ka galay baal-dahabi ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.